Sheekooyin Xiiso Leh!

 


Maanta waxa aan idin la wadaagayaa dhowr sheeko oo xikmadaysan.! Gabadh ayaa maalin maalmaha kamid ah soo booqatay saaxiibaddeed oo cunto karinta si heersare ah u taqaannay, si ay uga barato habka loo moofeeyo kalluunka kaddibna waxa ay aragtay iyada oo kalluunkii madaxa iyo dibka ka goynaysa; dabaddeed, waxa ay warsatay sababta ka danbaysa?! Itaal-baaska gabadhii waxa ay ku tidhi: “garan maayo, aniguba hooyaday baan ka arkay!”

Isla goobtii ayay hooyadeed wacday, wayddiisayna sababta ay kalluunka madaxa iyo dibka uga goyn jirtay?!

Hooyadeedna waxa ay ugu warcelisay: ” ‘bi’i waaye, ma anaa garan?!’aniguba islaantii i dhashay, ayaa sida tan suubbin jirtaye!” Wax ay socotaba, islaantii telefoon loo dir oo la wayddii sirta ku duugnayd in ay kalluunka madaxa iyo mijaha ka goyso marka ay karinayso?!

Dabaddeed, islaantii warkeeda la sugayay waxa ay ku jawaabtay: ” berrigaa suxuuntii iyo weelkii aan wax ku walaaqan jiray, ayaa ahaa qaar naqan oo yaryaraa oo – sidaa daraaddeed ayaan kalluunka u gaaggaabin jiray!” ‘Wadhi’ iyo ‘war la’aan’ weynaa’.!

Nuxurka sheekadu waxa weeye, in ay jiraan waxyaabo tiro badan oo si indho la’aan ah looga dhaxlay تﺎﻴﻛﻮﻠﺴﻟا quruumo hore iyo qarniyaddoodi, kaaga darrantana aan la isba wayddiin ‘jin’ iyo ‘jaan’ midka uu yahay?! – Iyo in sidoo kale, sancooyinkii iyo seetooyinkii ay jiilashii hore adeegsan jireen gu’yaal hore, si ay uga ga gudbaan xaalad xilligaas daarnayd, haatan miciin la moodo.

Qisada labaad

Qisada kalena waxa weeye, nin ayaa isaguna maalin soo kaxeeyay xaaskiisi si ay suuqa uga soo adeegtaan Kaddibna waxa uu ku yidhi: “Waxa aan doonayaa hadyad [=gift] ﻪﻳﺪﻫ ‘hooyaday’ u iibiyo, ee bal dookhaaga iyo damacaaga iigu door” Illeyn kasha aadanaha doonis iyo dareen kama dhamaatee, gabadhii la yidhi dookhaaga cug oo ciyaar, hawaawiga nafta aadanaha iyo hammigeeda haddoodilan ayaa gabadhii hillinkii ka habaabiyay; oo waxa ay doortay hadyad qiimo yar oo rakhiis ah (iyada oo laabta ka ogsoon in hadyadani meel kale u socoto, sidaa daraaddeedna xil badan iska saarin).

Ammintii xigtay ayaa uu ninkii afadiisi gurigii ugu yimi, isaga oo ‘hadyadii’ ay laftigeedu xushay farta ka saaray (sababta uu iyada u gu soo celiyayna – oo ahayd in uu dareensiiyo anaanniyadda nafteeda)

Isla jeerkaas, marwadii inta ay anfariirtay oo welwel iyo walbahaar maankeedi qabsaday, ayay qalbegeedi kula xanshaashaqday ereyo tahliil iyo tiiraanyo leh oo u dhignaa sidatan: (“Aheey way’ iyo ciil weynaa, ogobeey, haddii aan ‘hadyaddan mid ka cuddoon oo ka cajiibsan xuli lahaa – caawaba anaa hantiyi lahaa!”)

Dulucda sheekadu waxa ay daarantahay; in doonista iyo daggitaanka naftu daa’inkeed aadanaha idil dabbar ku haysay – jirto se, sheekadu haddana waxa ay markale innoo bayaaminaysaa in shay kasta oo fayow oo aad ‘naftaada’ la jeclaatid aad jaalkaagana la jeclaatid.!

Post a Comment

Previous Post Next Post